Ma iga welwelsan tahay?

Innhold

Maalin kasta oo socota inaga oo waxba u qabanin ilmo, ma xasilloonin ama waynu welweleynaa, waxayna noqon kartaa maalin si aad ah u badan.

Waalidiinta oo dhan way danaynayaan caruurtooda, oo dadka waaweyn way ka warhayaan sidoo kale caruurta kuwa kale.

Mararka qaarkood waxaan arkeynaa in uusan ilmuhu heleenin daryeelka ey inaga nala tahay inay fiicnaan lahayd inuu haysto. Mararka qaarkoodna inaga nafteenu
waxaan dareemaynaa in eynaan u maareyn karin sida eynu dooneyno carruurteena dhab ahaan.

Xasillooni la’aanta ama welwelka xagga ilmaha ka helitaankood iyo horumarkooda ka jirta waa in laga gaaraa go’aano:

  • Sidee u siin karnaa curruurta caawimada (tageerada) ugu wanaagsan?
  • Kee baa siin kara curruruta caawimaada (tageerada) ugu wanaagsan?

Xaruunta-qoyska waxaad ka heli kartaa wadahadal aan waajib ahayn oo leh maaddo-yaaqan aqoon u leh kaalmadaad doonayso inaad adigu hesho.

Xaruumaha-qoyska waxay bixiyaan talo ku saabsan korinta carruurta iyo wada shaqaynta qoyska. Waalidiinta oo dhan si toos ah bay ula xariiri karaan xaruumaha-qoyska ee dagmada.

Til toppen